Shirka arrimaha doorashadda oo ka furmay Villa Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ayaa maanta oo Axad ah ka furmay Villa Soomaaliya kadib dib u dhacyo dhowr ah jeer ah.

Kulankan oo ujeedkiisu yahay in lagu xaliyo khilaafaadka ka taagan hanaanka doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha 2020/21, ayaa qorshuhu ahaa inuu furmo 12-ka bishan September furmo.

Qarax ismiidaamin ah oo lagu hoobtay oo ka dhacay Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland, laguna dilay xoghayihii geeriyooday ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Shaafi Raabi Kaahin, ayaa ku qasbay Madaxweyne Axmed Madoobe inuu si deg deg ah ugu ambabaxo Kismaayo si uu aaska uga qeyb galo.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa sidoo kale u ambabaxay magaalada Nairobi safar la rumeysan yahay inuu la xiriiro dadaalada socda ee madaxweyne Farmaajo ee magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Sikastaba, labada hogaamiye ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho shalay 12 September, waxaana ilo wareedyo ku sugan Villa Soomaaliya ay sheegayaan in kulanka looga hadlayo arimaha doorashadda oo nooca ay noqon doonto lagu muransan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM