Shirka Kismaayo: Shirar gaar-gaar oo ka socda Madaxtooyadda Jubaland

Image

KISMAAYO, Soomaaliya — Mas’uuliyiinta Gollaha Mustqbalka Soomaaliyeed ayaa kulamo gaar-gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay qasriga madaxtooyada Jubaland ee magaalada Kismaayo, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu qaabeynayo marxaladda xigta ee maamulka dalka.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Garowe Online, ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray dhammaystirka qaab-dhismeedka gole la soo jeediyay oo lagu magacaabo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo la filayo inuu door ka qaato jihaynta siyaasadda dalka.

"Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta Madaxtooyada Jubaland ka bilaabay shirar gaar-gaar ahaa, kaddib markii shalay la qabtay furitaanka Shirweynaha guud,"  sidaas waxaa yiri qof kamid ah martida shirka ku sugan.

Ilo-wareedyadu waxay intaas ku dareen in sidoo kale laga doodayey erey-bixinta war-murtiyeedka kama dambaysta ah ee kulanka, kaas oo la filayo inuu caddeeyo mowqifka mucaaradka ee ku aaddan habka la qaadanayo iyo waddo macquul ah oo lagu xallin karo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka 2026.

Kulankan Kismaayo ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan wadahadallada siyaasadeed ee ku saabsan dib-u-habeynta nidaamka doorashooyinka iyo heshiis guud oo lagu wajahayo caqabadaha horyaalla geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM