Shirka maamul u dhiska gobolada dhexe oo Cadaado ka furmey

Image

CADAADO, April 16,2015 (GO)-  Shirweyne maamul loogu sameynayo gobolada dhexe ayaa maanta ka furmey magaalada Cadaado iyada xaflada furitaanka khudbo uu ka akhriyey madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh.

Shirkaan oo dib u dhac farabadan ku yimid ayaa madaxweynaha dowlada Federaalka ugu baaqey dadkii kasoo qayb galey iney dhistaan maamul ay u dhan yihiin.

Madaxweynaha Somalia ayaa u mahad celiyey maalada Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlu Sunah isaga oo sheegey iney ka tanaasuleen maamuladoodii sidii loo dhisi lahaa mamaul loo dhan yahay.

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in kulankan ka qayb galayaan 12 beelood oo la sheegey iney dagan yihiin gobolada damacsan iney maamulkaan sameystaan iyada shirkaan la filayo inuu socdo muddo 45 cisho ah.

Weli waxaa taagan khilaafka goobta ay noqoneyso magaalo madaxda maamulkaan iyo arrimo kale iyadoo lagu heshiiyey in doodahaan la horkeeni doono inta uu socdo shirkaan.

Kulankaan ayaa inta uu socdo ayaa waxaa lagu ansaxin doonaa Dastuurka iyo madaxweynaha hogaamin dooona mamaulkaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM