Shirka maamul u sameynta G. dhexe oo bisha March furmaya

Image

February 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u shaaciyey waqtiga uu furmi doono shirka maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug.

Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayey shalay magaalada Dhuusomareeb booqdeen, wuxuu sheegay in shirku ka dhici doono degmada Cadaado si toos ahna u furmi doono kowda bisha March ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xarunta maamuka Galguduud iyo koonfurta gobolka Mudug loo sameynayo ay noqon doonto degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Dowlada Federaalku taageersan tahay dadaalada dadka gobolada dhexe ugu jiraan inay maamul sameystaan isagoo intaas raaciyey in dowladu taageeri doonto maamul kasta oo buuxiyey shuruudaha uu dastuurku dhigayo.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo aaddey todobaad kadib markii uu magaalada Muqdisho kusoo gaba gaboobey shir dhex maray dowlada Muqdisho, Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolada dhexe qaarkood ayaa ka carooday shirkaas oo sida ay ku doodeen ahaa mid aan loo dhameyn maadaama aan laga qayb gelin gobollada dhexe gaar ahaan maamulka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM