Shirka madaxda maamuladda dalka oo ka furmay Dhuusamareeb

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Shirka Madaxda Maamuladda dalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka furmay Dhuusamareeb, oo ah caasimadda rasmiga ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug oo jeediyey khudbadii ugu horeysay ee kulanka, ayaa daah-furay shirka.

Kulan-madaxeedkan oo soconaya maalmo ayaanan wali la shaacin ajendihiisa, marka laga reebo warar sheegaya in looga hadli doono arrimaha masiiriga ah ee dalka si gaar ah doorashada soo aadan.

Caadiyan shirarka noocaan ah, madaxweyneyaasha ayaa furitaanka jeedinaya khudbado ay diiradda ku saarayaan xaaladda dalka gaar ahaan siyaasada, ammaanka, doorashada iyo arimo kale.

Is-araggan oo qorshuhu yahay in uu socdo maalmo ayaa la filayaa in gabagabadda laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii ay isla meeldhigeen hogaamiyeyaasha.

Wadatashigaan oo horudhac u ah shir ay yeeshaan madaxda maamuladda iyo dowladda federaalka ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ay yeeshaan dowlad goboleedyadda, muddo kadib.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in laga yaabo in madax ka tirsan dowladda federaalka ay gedaal kaga biiraan shirka Dhuusamareeb gaar ahaan ra'iisul wasaaraha iyo afhayeenka Aqalka Sarre.

Xasan Cali Khayre iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maamulada kaga aragti dhow dhanka doorashooyinka iyo habka loo marayo oo ah in ay kawada tashaan guud ahaan saamileyda siyaasadda.

Sikastaba, shirkaan ayaa ka dambeeyay markii uu baaqdey Shirkii Amniga Qaranka oo Farmaajo ku casuumay maamulada; dib-u-dhacaas wuxuu yimid markii Villa Soomaaliya fulin weyday is-afgaradyo.

HOOS KA DAAWO SHIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM