Shirka madaxda maamuladda dalka oo ka furmay Dhuusamareeb

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Shirka Madaxda Maamuladda dalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka furmay Dhuusamareeb, oo ah caasimadda rasmiga ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug oo jeediyey khudbadii ugu horeysay ee kulanka, ayaa daah-furay shirka.

Kulan-madaxeedkan oo soconaya maalmo ayaanan wali la shaacin ajendihiisa, marka laga reebo warar sheegaya in looga hadli doono arrimaha masiiriga ah ee dalka si gaar ah doorashada soo aadan.

Caadiyan shirarka noocaan ah, madaxweyneyaasha ayaa furitaanka jeedinaya khudbado ay diiradda ku saarayaan xaaladda dalka gaar ahaan siyaasada, ammaanka, doorashada iyo arimo kale.

Is-araggan oo qorshuhu yahay in uu socdo maalmo ayaa la filayaa in gabagabadda laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii ay isla meeldhigeen hogaamiyeyaasha.

Wadatashigaan oo horudhac u ah shir ay yeeshaan madaxda maamuladda iyo dowladda federaalka ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ay yeeshaan dowlad goboleedyadda, muddo kadib.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in laga yaabo in madax ka tirsan dowladda federaalka ay gedaal kaga biiraan shirka Dhuusamareeb gaar ahaan ra'iisul wasaaraha iyo afhayeenka Aqalka Sarre.

Xasan Cali Khayre iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maamulada kaga aragti dhow dhanka doorashooyinka iyo habka loo marayo oo ah in ay kawada tashaan guud ahaan saamileyda siyaasadda.

Sikastaba, shirkaan ayaa ka dambeeyay markii uu baaqdey Shirkii Amniga Qaranka oo Farmaajo ku casuumay maamulada; dib-u-dhacaas wuxuu yimid markii Villa Soomaaliya fulin weyday is-afgaradyo.

HOOS KA DAAWO SHIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay

Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa…

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 12:54AM

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM