Shirka madaxda Soomaalida oo maalintii 1aad lasoo afjaray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalinta koowaad ee shirka ay hogaamiyeyaasha Soomaaliya xalka ugu goobayaan is-mari-waaga doorashooyinka ayaa soo gabagaboobay, iyaddoo kulankii maanta uu ahaa kii ugu horeeyay oo dhinacyadda dhexmara muddo bilooyin ah kadib.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in shirkan uu dhinacyda ay si furan u wadda doodeen isla markaana u balameen wadahadalo kale oo qabsoomaya wixii ka dambeeya maalinta berri oo Axad ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa daaha ka rogay in kulanka uu socday laga soo bilaabo saddexdii subaxnimo illaa lixdii galabnimo.

"Waxa hadda soo gebegeboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo illaa saaka 9kii subaxnimo ka socday Xarunta Ciidanka Cirka ee Afisyooni," ayuu ciwaankiisa shaqsiga ah ee Facebook uu ku daabacay.

Wuxuu intaas ku daray: "Shirka oo uu furay, guddoomiyeyna Madaxweynaha JFS ayna ka soo qayb-galeen dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa lagaga wada hadlay dardar gelinta iyo hirgelinta doorashooyinka qaranka oo ay aasaas u yihiin heshiisyadii 17kii September iyo 16kii Febraayo".

"Shirka oo maanta si weyn looga dooday ajandayaasha shirarka dambe ee Golaha Wadatashiga iyo dardar gelinka doorashooyinka wuu sii socon doonaa, waxaana la isugu soo laaban doonaa berri subax," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Kulankan oo loo arko fursadii ugu dambeysay ee hogaamiyeyaasha Soomaalida ay uga tashtaan aayaha doorashooyin daahfuran ayaa ku yimid cadaadiska Beesha Caalamka oo madaxda u qabatay muddo hal asbuuc in ay khilaafka kusoo afjaraan hadii ay kala wareegayaan qabashada shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM