Shirka Muqdisho oo weli socda iyo qodobo lagu heshiiyey

Image

February 5, 2015 (GO)- Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda shir afar geedoos ah oo dhex maraya madaxda Dowlada Federaalka iyo madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Wararka Garowe Online ka heleyso hoolka kulanku ka socdo ayaa tibaaxaya in dhinacyada shirayaa dhowr qodob isku afgarteen, waxaana kamid ah:

  • In hal cod oo mideysan dowlada dhexe iyo dowladaha federaalku kula hadlaan beesha caalamka.
  • In si wadajir ah laysaga kaashado la dagaalanka Al-shabaab.
  • In la joogteeyo xiriirka shirkanina noqdo mid sanadle ah.

War-murtiyeedka shirkaas laga soo saarayo iyo sawiradaba ka filo goor dhow Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM