Shirka Muqdisho: Qodobo la isku fahmay iyo kuwa la isku mari la'yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii xalay Villa Soomaaliya ku yeesheen madaxda dowlada federaalka, kuwa maamulada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la isla gaarey saq-dhexe, waxaana is-faham laga gaarey inta badan qodobadii ugu muhiimsanaa marka laga reebo doorka guddiga Xaliima Yarey, kaasoo madaxweyne Farmaajo riixayo in ay kaalin ku yeesho doorashadda soo aadan.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in dhinacyada isku raaceen; in doorashada aan lagu gelin nidaamka xisbiyada, in doorashada ka dhacdo laba degaan doorasho iyo tirada ergada coddeyneysa.

Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa si guud midnimo u muujiyey mudadii shirku socday, halka hogaamiyaha waqtiga kasii dhacayo ee HirShabelle uu u jaranjeero dhanka Villa Soomaaliya oo balanqaad u sameysay gaar ahaan xilal looga raadinayo Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale quudareynaya in Guddiga Xaliima Yarey uu door ku yeesho doorashada maadaama ay dhaqaale badan ku bixiyeen sidii dalka uga qaban lahaa qof iyo cod.

Wadaxaajoodyadda soo bilowday 13-kii bishaan September ayaa muhiim u ah hanaanka waddanka uga baxayo mar-xalada kala guurka iyo hubanti la'aanta ku geedaaman in ay waqtigeeda ku dhaceyso doorashada 2020-21; baarlamaanka hadda jooga wuxuu waqtiga la dhacayaa November, halka Farmaajo uu ka dhamaanayo bisha Febraayo ee sanadka nagu soo aadan.

War-murtiyeed ayaa al filayaa inay dhawaan soo saaraan madaxda kulanka u socdo, iyadoo wararka hoose ee GO helayo ay sheegayaan in wax ka bedel lagu sameynn doono qaar kamida qodobada ku jira heshiiskii Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM