Shirka Musharixiinta oo ka furmay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharaxiinta mucaaradka ayaa kulan uga furmay Maanta oo Sabti ah Muqdisho, iyadoo ajandaha shirka uu yahay arrimaha doorashooyinka iyo gudiyadda uu magacaabey Rooble ee khilaafka ka taagan.

Madaxweyniyeyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa kamid ah Mushariixinta oo gaaraya illaa 12, kuwaasoo la filayo inay go'aan mideysan ka qaataan gudiyadda dooararashooyinka oo ay sheegeen in lagu soo daray xubno kamid ah NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Shirkan ayaa cadaadiska kusii kordhanaya Maamulka Farmaajo, oo loogu baaqey inuu dhiso gudiyo doorasho oo isla isku raacsan yahay, islamarkaana qaban kara doorasho xor iyo xalaal ah, oo dhinacyada wada ogol yihiin.

Lama oga waxa uu noqon doono go'aanka Musharixiinta ku kulmaysa Muqdisho, waxaana isha lagu hayaa war-murtiyeedka laga soo saari doono shirka, oo la filayo inuu socdo mudo 3 maalmood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM