Shirka qabyada ah ee Afasiyooni oo galay maalintii labaad

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo weli shirka ay ka maqan-yihiin maamuladda Jubaland iyo Puntland ayaa waxaa Villa Somalia ka soo baxay war-saxaafadeed lagaga hadlayo shirka halka dhinac ah ee ka socda xarunta Afisyoone.

Kulanka waxaa ka qeybgalay madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Farmaajo.

Qoraalka ayaa wuxuu u qornaa sidda tan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ahna Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ka warbixiyey qorshaha mideysan ee ay ka soo saareen Guddigu shirkii Talo-soojeedinta Arrimaha Farsamada Doorashooyinka ee Magaalada Baydhabo.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxda nuxurka talo-soojeedintooda ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan heshiiskii doorashooyinka ee la meelmariyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka iyo hirgelinta heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka.

Dhankooda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku dhiirrigeliyey Xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka in ay si daah furan ula wadaagaan shacabka Soomaaliyeed nuxurka talo-ururinta ay sameeyeen, si dhabbaha loogu xaaro doorasho waafaqsan heshiiskii la ansixiyey iyo shuruucdii la meel mariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM