Shirka wada-tashiga madaxda Somalida oo ka furmay Muqdishu

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta la qorsheynayaa inuu ka furmo magalada Muqdishu shir looga hadlayo nidaamkii looga gudbi lahaa marxaladda hadda lagu jiro iyo qaabka loo wajahayo doorashada Somalia ka dhici doonta 2016.

Shirka waxa uu socon doonaa labo maalin, waxaana uu ka dhacayaa xarunta AMISOM ee Xalane, iyadoo ammaanka goobta shirka sugayaan ciidamada Midowga Africa.

Kulanka oo ay ka qayb galayaan madaxda dowladda Somalia iyo maamul goboleedyada, ayaa inta uu socdo waxaa dood laga yeelan doonaa qaabkii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro iyado wixii ka soo baxa noqon doonto hanaankii loo mari lahaa ibadalka dhici doona.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa warbaahinta u sheegay in shirkan looga golleeyahay sidii madaxda Somalida uga tashan lahayd qaabka ay noqonayso doorashada 2016, maadama aysan dhici karin doorasho hal qof iyo cod ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM