Shirka wadatashiga Somalia oo Muqdishu ka furmay

Image

08 December, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Muqdishu ka furmay shirka wadatashiga qaran ee looga hadlayo doorashada 2016, waxaana ka qayb galay madaxda dowladda Federalka, maamul goboleedyada iyo xubno ka socda bulshada rayidka.

Muddo labo cisho ah ayuu kulankaasi socon doonaa iyadoo mas'uuliyiinta ka qayb galay isku weydaarsan doonaan fikiradooda ku aaddan qaabka noqon doonto doorashada dhici doonta sannadka dambe, maadama dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo cod ah.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Somalia, Xasan Shekh Maxamud, waxuuna ka hadlay arrimo ka mid tahya dhaqaalaha, ammaanka iyo nabadayntii ka dhacday magalada Galkacyo.

Xasan Sheekh oo khudbadiisa ku jeediyay luuqadda English-ka ayaa soo dhaweeyay xalka ay wada gaareen labada maamul goboleed ee Puntland iyo Galmudug, isagoo tilmaamay inay dowladda Somalia taageerayso dadaalada nabadeed ee dalka ka hirgala.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay inay shirkaan madaxdu ku soo gudbin doonaan fikradahooda ku aaddan qaabka loo dhigi doono doorashada.Balse waxaa jira kala aragti duwaan u dhaxaysa afarta maamul goboleed ee kala ah; Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Aragti uruurin ka dhacday deegaanada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu sheegay in shacabku taageereen habka deegaamaysiga in wax lagu soo doorto, halka labada maamul ee kale taageereen qaabka 4.5 shan oo dastuurka dalka uusan ogolayn sharciyan.

Qodabada lagaga hadalayo kulankaan oo warsidaha Garowe Online wax ka ogaadey ayaa waxaa kamid ah:

1- Sameynta maamul goboleedyada iyo wadatshiga laga yeelanayo qaabka doorashada u dhaceyso

2- Dhameytirka barnaamijka la yiraahdo Heegan iyo u gudbista qorshaha loogu magacdarey Guulwade

3- Dardargalinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo dib u eegis

4- Marka la dhaafo sanadka 2016 xaalada dalka galayo iyo qorshayaasha diyaarka u ah.

5- Kulan gaar ah oo yeelanayaan wakiilo ka socda ururada dhalinyarada iyo haweenka.

Qodobada lagu soo bandhigey ajendaha ayaa waxaan si toos ah uga cadeyn in wdaahadal ama go'aan laga gaarayo qaabka doorashada 2016 u dhaceyso iyadoo dowladaha qaybta ka ah dowlada Federaalka shacabkooda la soo waydiiyey aratiyadooda.

Puntland iyo Jubaland ayaa soo jeediyey in xulshada xildhibaanada Barlamanka lagu saleeyo heer degmo halka maamulada kale [ Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Banaadir] la tageerey nidaamka 4.5].

Wixii ka soo baxay shirkaasi ayaa la soo bandhgi doonaa.Warsidaha Garowe Online ayaana idiin ballan qaadaya inuu idiin soo gudbiyo hadba xaalku meesha uu marayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Salaam Somali Bank oo ku Guulaysatay Bangiga ugu Fiican Soomaaliya ee xaga Tayada Adeegga iyo Hawlgallada 2024

Somalia: IRBS Awards 2024: 10th Islamic Retail Banking Awards 2024 - Salaam Somali Bank Awards Achievements 

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 08:28PM

Masar oo Soomaaliya usoo diraysa Ciidanka labo qorshe fulinaya iyo Itoobiya oo isha ku haysa

Tababar dheeraad ah ayaa la siiyay Ciidanka Masar maadaama loo soo dirayo dal mudo dagaallo ka socdeen, islamarkaana ku xoog badan tahay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 03:38PM