Shirkada Diyaaradaha Israa’iil oo digniin u dirtay Dowlada Soomaaliya

Image
Diyaaradda ay iska leedahay Yahuuda ee El AI ayaa sheegtay in shaqaaqo la kulantay xili ay dul-mareysay hawada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradda ay iska leedahay Yahuuda ee El AI ayaa sheegtay in shaqaaqo la kulantay xili ay dul-mareysay hawada Soomaaliya.

Duulimaadkan ayaa waxa uu kusii jeeday dalka Thailand.

El Al ayaa caddeysay in dhacdadan aysan ahayn mid amni darro ah ama si gaar ah loogu bartilmaameedsaday diyaaradda Israa’iil.

Sida laga soo xigtay warbixin ay daabacday Ynet, El Al ayaa sheegtay in duulimaadyada maraya hawada Soomaaliya ay la kulmeen carqalado xagga isgaarsiinta raadiyaha ah.

Shirkadda ayaa arrintan uga digay dowladda Soomaaliya, iyadoo la xusay in “carqaladaan aan loola dan lahayn [diyaaradaha El Al] islamarkaana aysan ahayn dhacdo amni — carqaladdu ma saameynin sii socoshada duulimaadka.”

Tani waxay imaanaysaa xilli Somaliland ay wajahayso eedeymo ah in ay jahwareerineyso hanaanka maamulka hawada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM