Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Image

Nidaamka digniinta hordhaca ah ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa u sharaxan abaal marinta shirwaynaha bulshada isgaarsiinta Qaramada Midoobay  (The UN's World Summit on the Information Society (WSIS).

Abaalmarinta WSIS ayaa ujeedkeedu yahay in lagu abaalmariyo mashaariicda ka qeyb qaata hormarinta ogaalka bulshadaa si loo dhanyahay, taas oo la jaan qaadaysa ahdaafta horumarrada waara ee Qaramada Midoobay.

Mashaariicda u tartamaysa abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS ayaa lagu dhawaaqay 11-kii bishaan Abriil, sidoo kale codbixinta lagu dooranayo mashaariicda guuleysanaysa ayaa soconaysaa illaa 30-ka bishaan Abriil, halka guuleystayaasha lagu shaacin doono xafladda shirwaynaha WSIS oo dhici doonta July 2025-ka.

Nidaamyada Digniinta Hordhaca ah ee Hormuud ayaa loo sameeyey in ay bulshada siiyaan digniino degdeg ah iyo xog muhiim ah si ay uga feejignaadaan khataraha, ugana gaashaantaan  xaaladaha degdegga ah.

Digniinta ayaa loo adeegsadaa codka dhicista taleefannada, kaas oo la maqla marka uu qofka wacaya qof kale, taas oo uusaraglisay in bulshada ay si sahlan ku gaarto fariimo wacyi galin ah oo shirkadda ugu tagalashay in Bulshada looga wacyigaliyo qataraha xilligaas jira ama kuwa ku soo wajahan.

Nidaamka digniinaha hordhaca ah ayaa si baaxad leh uga qeyb qaatay fidinta fariimaha iyo wacyigelinada la xiriiray cudurkii safmarka ahaa ee COVID-19, iyadoo si isdaba joog ah dadka loo gaarsiinayay qataraha soo kordhayay iyo tabaha ay uga badbaadi lahaayeen.

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino, taas oo saameyn ku reebtay guud ahaan dalka dhammaadkii 2023-ka, xilli shirkadda ay gaarsiiyay bulshadda Soomaaliyeed iyagga oo isticmaalaysa isgaarsiinta.

Nidaamkan oo ah mid waxtar aad u balaaran u leh bulshadda Soomaliyeed ayaa sidoo kale baahiya fariimo iyo wacyigalin la xiriirta dhowrista iyo ilaalinta deegaanka, iyo dhibaatada ka dhalan karta xaalufinta dhirta.

Shirkadda Hormuud ayaa u sharaxan abaalmarinta shirwaynaha bulshada isgaarsiinta ee Qaramada Midoobay  kaas oo codayntiisu billaabatay, xilli guuleystayaasha la shaacin doona bartamaha sanadkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM