Shirkii 4aad ee Farmaajo ku baaqay oo qarka u saaran fashil
MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tirro afar jeer wuxuu shir isugu yeeray madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda. Balse, midkoodna si rasmi ah uma qabsoomin.
Shirkii u dambeeyay oo dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya ugu baaqay 1-dii Maarso una muddeeyay 4-ta bishaan ayaa u muuqanaya mid markale qarka u saaran in uu fashilmo ka gedaal markii dowladaha Puntland iyo Jubaland ay ka goos-qabsadeen in ay xaadiraan.
Tani ayaa dharbaaxo ku ah nidaamka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo kaasoo wajahaya eedeymo ku saabsan in uusan rabin dalka ka qabto doorasho daahfuran, wallow uu diidey sheegashadaas.
Puntland iyo Jubaland ayaa ku doodaya in marka hore la fuliyo shuruudo ay soo bandhigeen oo ay kamid tahay; in lagu qabto goob amnigeeda la isku lahyn karo, in ay ka qeybgalaan saamileyda siyaasadeed, in la bedelo taliyeyaasha sirdoonka, bileyska iyo milatariga si lamid ah damaanad-qaad caalami ah oo ku saabsan in la fulin doono natiijadda wadaxaajoodyadaas.
Sooyaalka shirarkii u dambeeyay baaqdey
9, February, 2021: Farmaajo ayaa iclaamiyey shir 15-ka bishii Febraayo ka dhacaya Garowe. Balse, Puntland oo ku gacanseyrtay in ay martigeliso waxay ku nuux-nuux-satay in aan lagala tashan, iyadda oo ku baaqdey in shirku ka dhaco Muqdisho kana qeybgalaan saamileyda.
17, February, 2021: Kadib shir guddi farsamo oo dhinacyadda ka socday ku dhexmaray Baydhabo 15 illaa 15-kii Febraayo, Farmaajo ayaa iclaamiyey shir 18-19 bishaas ku qabsoomayo Muqdisho. Maalintaas waxaa banaanbax weyn qorsheeyay Midowga Musharaxiinta.
22, February, 2021: Villa Soomaaliya ayaa si gaar ah waxay Puntland iyo Jubaland ugu baaqdey in ay kusoo biiraan kulan Muqdisho ku dhexmaray Farmaajo, Ra'iisul Wasaaraha xil-sii-gaarsiinta iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Maamulada waxay uga jawaabeen shuruudo aan wali la fulin.
1, March, 2021: Villa Soomaaliya ayaa shaacisay in Farmaajo martigelinayo kulan hal maalin ah oo 4-ta Maarso ka dhacaya Muqdisho laguna saxiixayo soojeedinta guddiga farsamo eek u shiray xarunta KMG Koonfur Galbeed. Balse, Puntland iyo Jubaland waxay qaadaceen ka qeybgalka shirka.
Iyaddoo caqabada ugu weyn ay tahay isu-tanaasul la’aan iyo xal diidnimo, haddana khilaafka doorashooyinka soo sii-daba-dheeraada iyadda oo Farmaajo ku dhow-yahay in uu xafiiska joogo isaga oo muddo xileedkiisa dastuuriga u idlaatay, waxay horseedi kartaa faragelin gacan shisheeye.
GAROWE ONLINE