Shirkii Dhuusomareeb oo Madaxweyne lagu doortay

Image

July 1, 2015 (GO)- Doorasho maanta oo Arbaco ah ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa lagu doortey madaxweynaha maamul loogu magac daray Maamulka Gobollada Dhexe, kaas oo ka kooban Galguduud iyo qaybo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Mudug.

Shir lagu doortay madaxweynaha waxaa martigeliyey islamarkaana fikirkiisa lahaa maamulka Ahlu Sunna oo iyagu horay u qaadacay shirka Cadaado ka socda, xiriirkana u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada waxaa ku tartamay saddex murashax oo kala ah: Guddoomiyaha Golaha Fulinta Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji; iyo Careys Maxamed Xaaji oo isna ahaa af-hayeenkii maamulka Ximan iyo Xeeb.

Labo wareeg ayey doorashadu yeelatay, waxaana ugu dambeyntii ku guuleystey Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Fulinta Ahlusuna Wal-jameeca.

Doorashada maanta ka dhacday degmada Dhuusomareeb ayaa kusoo aadeysa xilli Sabtida soo socota lagu wado in degmada Cadaado lagu doorto madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka loogu magac daray Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM