Shirkii Farmaajo iyo Madaxda Maamullada oo baaqdey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir la filayay inuu Maanta Muqdisho uga furmo Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ayaa baaqdey, kadib markii la qaadacay Casuumaadii Villa Soomaaliya fidisay.

Kulankan oo qabashadiisa madaxda labada dhinac ku go’aamiyeen Wadahadalkii Khadka Internet-ka 22-kii bishii lasoo dhaafay, ayaa lagu wadey inuu 5ta illaa 8da ka dhaco magaaladda Muqdisho.

Puntland iyo Jubaland ayaa qaadacay ka qeybgalka Shirka, taasoo keentay fashilka. Ajandaha Shirka ayaa ahaa in looga hadlo doorashooyinka, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dhameystirka dastuurka iyo dhaqaalaha dalka.

Villa Soomaaliya wali ma aysan shaacin baaqashada shirka iyo sababta, balse waxaa la ogyahay in qodobadii lagu balamay kulankii internet-ka uu Farmaajo fulin waayay, sidaasina la isagu imaan waayay.

Waxay isla garteen dhinacyada in Gollaha Shacabka uu hakiyo ka doodista sharciyada khilaafka ka taagan yahay, ee waxka bedelka doorashooyinka, inta uu ka dhacayo kulanka maanta baaqdey.

Gollaha Shacabka ayaa ansixiyay Kuraasta Somaliland, Matelaada gobolka Banaadir iyo sharciyo kale, xilli ay dowladda Federaalka iyo Maamullada shirk u balansan-yihiin, arintaasina waxay horseeday fashil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM