Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee lagu qorsheeyay inuu ka furmo magaalada Muqdisho 22-ka bishan June ayaa dib loo dhigay, iyadoo dowladda federaalka ay sababta ku sheegtay diyaar garowga xuska toddobaadka Xorriyadda.

“Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Shirkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa fashilmay kadib markii qaar ka mid ah mucaaradka, gaar ahaan maamulada Puntland iyo Jubbaland, ay ka noqdeen ka qeyb galka, taasoo sababtay in shirka uusan ku guuleysan inuu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee dalka. Arrintan ayaa si weyn u muujinaysa in Villa Somalia ay weli ku adkaysanayso mowqifkeeda ku aaddan doorashada iyo dastuurka, taas oo sii murjineysa xaaladda.

Muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si tartiib tartiib ah u sii dhamaanaya, waxaana dalka horyaala caqabado badan oo u baahan in muddo gaaban lagu xalliyo.

Xaaladdan cakiran awgeed, beesha caalamka ayaa la filayaa inay soo farageliso, iyadoo cadaadis ku saari doonta dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka inay si degdeg ah uga wada xaajoodaan heshiis dhab ah oo lagu xaliyo khilaafaadka taagan.

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo, iyada oo wali aan la hubin in madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay ka soo qeyb geli doonaan, maadaama mowqifyadooda iyo kuwa dowladda federaalka ay weli yihiin kuwo is diidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM