Shirqool ay Al-Shabaab rabtay "in ay ku disho mas'uuliyiin" oo la fashiliyey

Image

GAALKACYO, Galmudug – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu fashiliyey shirqoolo ay Al-Shabaab damacsaneyd in ay ku khaarijiso mas'uuliyiin iyo xubno muhiim u ah maamulkaas.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirka amniga maamulka Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], ayaa kamid ah madaxda la qorsheeyay in lagu khaarijiyo dabinkaas, sidda uu isaga u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Fiqi oo war-fidiyeenka ugu waramay magaaladda Gaalkacyo ayaa tilmaamay in ay gacanta ku hayaan mid kamid ah shaqsiyaadkii maleegay shirqooladaas isla markaana la su'aalayo.

Aweys Macalin Maxamed Xasan, eedeysanaha oo lagu qabtay Miino nooca baabuurta lagu dhejiyo, ayaa kamid ahaa ganacsatadda xarunta gobolka Mudug, si gaar ah wuxuu iibin jiray Cabitaan ama Biyo.

Sidoo kale, waxaa howlgalo ay fuliyeen ciidamo huwan ah lagu dilay Maxamed Xasan Faarax oo loo garan-og-yahay Xuseen kaasoo lasoo wariyey in uu ahaa madaxii Al-Shabaab ee magaaladda Gaalkacyo.

Dilka Xuseen ayaa ka dambeeyay markii uu isku dayay in uu baxsado, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo muhiim ah. Xogta ayaa muujineysa in Xuseen uu far-muuqay Aweys oo hal shabakad ay ku jireen.

"Raggaan waxay ka dambeeyeen falal lagu dilay mas'uuliyiin. Ujeedkooda hadda wuxuu ahaa in ay dilaan mas'uuliyiin ama xubno muhiim u ah Galmudug oo aan anigu ku jiro," ayuu Fiqi raaciyey.

Miinadda lagu qabtay Aweys ayuu ka dhawaajiyey in si gaar ah loosoo qorsheeyay in loogu xiro gaargiisa, balse ay ka hortageen kana badbaadey isaga.

Gaalkacyo oo xiliyadda qaar ay ka dhaceen falal amni darro oo Al-Shabaab ay ka dambeyso badankooda waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday howlgalo lagu ciribtirayo. Puntland iyo Galmudug ayaa wadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM