Shirqoolka "qudba sirada ah" ee Farmaajo ku goobayo mudo kororsiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Go'aanadii qabyada ahaa ee shirkii Dhuusamareeb3 ayaa la sheegay in ay kordhiyeen walaaca muddo kororsiga, waxay qeyb ka yihiin silsilada istaraatiijiyadda ay Villa Soomaaliya ku goobeyso dheereysiga.

Agaasiimihii hore ee Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] oo oraahdaas aaminsan, ayaa fahfaahiyey shirqoolkaas "qudba sirada ah" ee Farmaajo horkacayo.

Sanbaloolshe oo ku difaacay Puntland iyo Jubaland talaabada ay ku qaadaceen ka qeybgalka kulankii Dhuusamareeb 3 ayaa ka shanqriyey in madaxdii caasimada Galmudug ku shirtay ay ahaayeen kuwa gebigooda isku aragti ah.

Natiijadii is-araggaas kasoo baxdey ayaa xeerineysa in doorashada soo aadan lagu galayo degaan doorasho ay kursigii u coddeynayaan 301 isla markaana lagu saleynayo qabiil ayna ku tartamayaan xisbiyadda siyaasada wadanka.

Heshiiskaas aan loo dhameyn ayaa si lamid ah dhigaya in doorashada maamulayo guddiga doorashooyinka madaxa-banaan, taasoo ka hor-imaaneysa waajibaadkooda saxda oo ah in ay hagaan coddeyn qof iyo cod ah.

Sidda laga soo xigtay Sanbaloolshe, Villa Soomaaliya ayaa dhamaan talaabooyinkaan gedaal uga riixeysa si dooda u sii daba-dheeraato isla markaana waqtiga ku kulamo wada-xaajood halkaasna ka hesho muddo kororsi.

"Sidda loo adkeeyay geedi u socodka doorashada, sidda gooni loogu soocay dadkii muhiimka u ahaa wadahadalka, xiritaanka baarlamaanka, in aan wali lasoo magacaabin ra'iisul wasaarihii isku dabaridi lahaa howlihii doorashada ayaad ka dareemeysaa in ajendihii muddo kororsiga uu wali miiska saaran yahay," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey telefishinka maxaliga ah ee Somaali Cable.

Baarlamaanka federaalka ee haatan shaqeynaya wuxuu muddo xileedkiisu dhamaanayaa November, 2020, halka xukuumada ka dhacay Febraayo, 2021; tani waxay la macno tahay in waqtiga uu yahay mid aad u gabaabsi u ah.

"Dhaqanka madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu yahay in dadka in aysan isaga fahmaan laakiin dadka in uu isaga fahmo ma rabo; marka si qudba siro ah in uu aakhiritaankii [ku helo dheereysi]; wuxuu rabaa in dowladda uu dhiso September-October; November la bilaabo process-kii ansixinta, December la keeno program; dowlad December la joogo xilligii doorashada bilaaban lahayd lix bilood in ay muddo kororsi hesho kadibna extention-kii labaad si loo helo oo la yiraahdo waxa wax loo kordhinayo madaxweynaha ma ahanee waa xukuumada; sababta kor loogu haystaana kamid ah arrintaas," ayuu ku sharaxay mowqifkiisa.

Rajada kaliya ee haatan muuqata waa wada ogolka ay Muqdisho u joogaan madaxweyneyaasha dowladaha Puntland iyo Jubaland. Max-suulka kasoo baxa shirarkaas waxay go'aaminayaa wejiga ay yeelaneyso doorashooyinka soo fool leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM