Shuruud lagu xiray qabsoomida shirka loogu baaqay DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa dhaliilay "aqoonsiga" uu Mareykanka "kula degdegay" doorashadii dowladda ku qabatay Dhuusamareeb.

Coddeyntaas waxaa kusoo baxay Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], oo wasiir ka ahaa xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre.

Dhanka kale, Sanbaloolshe oo ku dhawaaqay in uu murashax u yahay xilka madaxweynaha dalka ayaa soo dhaweeyay wada-hadalka uu Mareykanka ugu baaqay Villa Soomaaliya iyo Maamuladda.

Balse, siyaasiga ayaa sheegay in loo baahan yahay dhinac saddexaad oo aan ahayn Beesha Caalamka si uu shirku u noqdo mid isku dheelatiran.

"Shirka uu Mareykanka ugu baaqay Dowladda iyo maamulada waxaa isugu imaanaya Lafta-gareen, Lugta-gareen, Qoorta-gareen iyo Gaabow-gareen oo hadda Mareykanka ah, iyo ra'iisul wasaaraha, madaxweynaha, gobolka Banaadir, oo hal dhinac ah, iyo madaxweyne Saciid Deni iyo madaxweyne Axmed Madoobe, taasoo macnaheedu yahay %80 waa Nabad iyo Nolol, marka waxaana la doonayaa in culeys lagu saaro [Deni iyo Axmed] oo la yiraahdo waa la idinka tirro badan yahay," ayuu u sheegay Dalsan Tv.

Sanbaloolshe ayaa intaas ku daray: "Shirkaas hadii aysan ka qeybgelin Madasha Xisbiyadda Qaran iyo dadka macnaha ku leh siyaasadda Soomaaliya wax ka jiro lama arko annagana ma aqoonsanin".

Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in ay laaluush iyo juujuub u adeegsatay doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug si ay ugu soo baxaan siyaasiyiin taabacsan, wallow ay ku fashilantay Jubaland.

Qaar kamid ah maamul goboleedyadda ayaa xukuumadda dhexe ku eedeeyay "in ay diidan tahay wada-xaajoodyadda kahor doorashooyinka 2020-21 oo mugdi badan oo ku jiro qabsoomidooda".

Ugu dambeyntii, Sanbaloolshe ayaa caddeeyay in Xeerka Doorashooyinka ee ka gudbay labada aqal ee baarlamaanka federaalka isla markaana horyaala xafiiska Farmaajo uu yahay mid heshiis lagu ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM