Dalabyada ay DF "hor-dhigtay" Kenya si xayiraada uga qaado Khaadka

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u gudbisay dhigeeda Kenya shan shuruudo oo ay xayiraada uga qaadeyso Khaadka, sidda uu wariyey wargeyska arrimaha ganacsiga diirada saara ee Business Daily.

Iskaashatada Khaadka degaanka Nyambene oo xubno ka socday ay Muqdisho u yimaadeen wadahadalo ay ku rabeen in xayiraada lagu qaado ayaa daaha ka rogay dalabyaddan aysan Muqdisho ka jawaabin.

Sidda laga soo xigtay sheegashadooda, codsiyadda ayaa kala ah; Kenya joojiso faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya, in ay si siman ula macaamisho Soomaaliya, raagelin ay ka bixiso ku xadgudubka hawada Soomaaliya, in ay ogolaato in ay dhuufsato wax soo saarka Soomaaliya sidda kaluunka, sokorta, malabka, hilibka iyo caanaha si lamid ah in ay laasho talaabada duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya ugu baareysa garoonka Wajeer.

Warbixinta ayaa daaha ka rogeysa in Muqdisho ay sidoo kale dalabyaddan kusoo wadahadalo dowladeed kadib markii ay qaabili weyday wafdi ka socday Guddiga maamulka beeraha iyo cunada iyo ganacsadooda.

"Mas'uuliyiin sarre oo Soomaaliya ah ayaa yiri 'Kenya way kasoo jawaabi la'dahay codsiyadda'. Waxaan ka codsaneynaa madaxweyne Uhuru Kenyatta in uu xaliyo xarig-jiidkan diblumaasiyadeed," ayuu yiri Kmathi Munjuri, oo ah guddoomiyaha Iskaashatada Khaadka degaanka Nyambene.

Mr Munjuri ayaa carabka ku dhuftay in ay ogolaadeen canshuur kordhin lagu sameeyay maandooriyaha. Dowlada Soomaaliya waxay halkii kiilo oo qaadkan ah ay sheegtey in ay ku canshuureyso aduun dhan 5 Doolar.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Mr Munjuri oo xusay in suuq la'aanta kasoo wajahdey Soomaaliya kadib xayiraada Khaadka ay wajahayaan caqabado degaankooda ah ayaa ka tuugay dowladiisa Kenya in ay xaliso dhibaatada.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in ay ajende siyaasadeed ka leedahay mamnuucista Khaadka isla markaana Farmaajo uu doonayo in Uhuru kaga bedesho qodobo dhowr oo Jubaland ay kamid tahay.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo ayaa ku fashilantay in ay farageliso doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne Axmed Madoobe kaasoo cilaaqaad fiican iyo wadashaqeyn aysan kala dhaxeyn sanadihii u dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

IGAD oo ka hadashay magacaabista Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Ahmed Moallim Fiqi, oo horey u soo noqday Madaxa Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 08:41AM

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM