Sidee ayuu weerarkii Muqdisho u soo shaac-bixiyey jahwareerka DF?
MUQDISHO, Soomaaliya – Weerarka Sabtidii ka dhacay Muqdisho ayaa soo shaac-bixin kara jahwareerka ka jira maamulka madaxweyne Maxamed Farmaajo, sanad kahor diyaar-garowga doorashooyinka.
Iyaddoo la xaqiijiyey dhimashadda 85 qof iyo dhaawaca tobanaan, dowladda ayaa xusul-duub ugu jirta baahinta xaqiiqadda kadib warbixin ku aadan suurtogalnimada cidda maleegtay.
Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in jahwareerka dowladda uusan xaqiijin karin tiradda khasaaraha isla markaana sheegashada hay'adda sirdoonka uu dhaawici karo sumcadda xukuumadda.
War-saxaafadeedka Al-Shabaab
Iyaddoo Farmaajo uu weerarka la xiriiriyey Al-Shabaab, ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa waxay ku qaadatay 72-saacadood in uu qaato mas'uuliyadda falkaas, taasoo ah wax aan horey looga baran.
Cali Maxamuud Raage oo ku magac dheere Cali Dheere, afhayeenka rasmiga ah ee kooxda, ayaa Isniintii bayaanka ka akhriyey idaacadda Andalus.
Al-Shabaab, sidda uu sheegay Dheere, waxay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ku beegsatay kolanyo Turki ah iyo ciidamo ka tirsan dowladda.
Laba muwaadin kaasoo u dhashay Turkiga ayaa kamid ah tobanaanka ku naf-waayey dhacdadaas, oo meydadkooda loo dhoofiyey Ankara si loogu aaso.
Warbixintii NISA ee weerarka
Balse dhinaceeda, hay'adda sirdoonka ee NISA ayaa dal shisheeye la xiriirisay weerarkaas, wallow aysan soo bandhigin magaca waddankaas.
Waa markii ugu horeysay oo dowlad ay dalal shisheeye ku eedeyso fal argagixiso, taas oo bedeli karta mowqifka dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta.
"Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye," ayay tiri.
NISA ayaa ku dartay: "Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiisa".
Talaabo layaab leh, qoraalka NISA wuxuu ka hor-imaanayaa hadalkii Farmaajo ee Al-Shabaab dusha ka saarey mas'uuliyadda weerarka, taas oo soo if-bixineysa jahwareerka ka dhex-jira xukuumadda.
Fahad Yaasiin, wariye hore, waa taliyaha hay'adda. Wuxuu xiriir dhow la leeyahay Farmaajo, waxaana aalaaba uu ku lug-yeeshaa is-jiid-jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.
Cambaareynta mucaaradka ee NISA
Xisbiyadda mucaaradka oo ka faa'iideystay dul-duleelada kasoo if-baxay maamulka Farmaajo ayaa eedeymaha NISA ku sifeeyay kuwa "ayaan-darro ah".
Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa dowladda ku dhaliilay in ay difaaceyso argagixisadda kana leexineyso weerarada.
"Ujeedka qoraalkan laga leeyahay ma aha oo keli ah in shacabka lagu marin habaabiyo ama lagu qariyo fashilka hay’adda Nabadsugida, ee wuxuu kaloo ujeedkiisu yahay in argagexisada Alshabaab eeda xasuuqa laga leexiyo. Waxaa la oran karaa tani wadashaqayn Alshabaab way dhaafsiisan tahay," ayuu baraha bulshadda kusoo qoray.
Mar sii horeysay, Cabdishakuur ayaa dowladda ku eedeeyay in ay "u beer-jilcan tahay argagixisadda". Sidoo kale, wuxuu su'aal geliyey in xukuumadda ka go’an tahay qabashadda doorasho lagu kalsoonaan karo 2020.
Shariif Sheekh Axmed, hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran, ayaa sheegay in dowladda "ku guuldareystay badbaadinta rayidka aan waxba galabsan".
Madax xanuunka ugu weyn Farmaajo
Iyaddoo ay jiraan hadalada is-burinaya iyo war-saxaafadeedka Al-Shabaab, Farmaajo aad ayey ugu adkaan doontaa in uu cudur-daar u helo jahwareerka.
Sheegashadda NISA, hadii aan la caddeyn, waxay dhabaha u xaari kartaa shaki Beesha Caalamka ka gala in dowladda federaalka Soomaaliya ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.
In ka badan 22, 000 oo ciidamo nabad-ilaalin ah ayaa ka kala yimid wadamo kala duwan, kuwaasoo sanado ka caawinaya dowladda in ay xaliso qaranka.
Iyaddoo weeraradda Al-Shabaab kordheen, cadaadiska ka imaanaya mucaaradka iyo isku-dhex-yaaca hay'addaha dowladda Soomaaliya ayaa si cad Farmaajo uga dhigi kara mid aan isku dheela-tirneyn.
Muranka doorashooyinka 2020-21
Inkastoo dowladdu balanqaadey in Soomaaliya ay ka qabsoomeyso doorashooyin sanadka dambe, mucaaradka ayaa cod dheer kaga digay isku day muddo kororsi loogu sameeyo xeer-dejinta iyo laanta fulinta.
Sharciga doorashooyinka ee uu Aqalka Hoose ansixiyey, mucaaradka wuxuu sheegay, in qodobkiisa 53aad u ogolaanayo dowladda in ay sii joogto.
Musiibooyin sida weeraro, sidda ay sheegtay Madashu, doorashooyinka ayay dib-u-dhac ku keeni karaan.
Sharaxaadaas oo ay walaac ka muujiyeen Cabdishakuur iyo xisbiyadda kale, waxaa la sheegay in ay suurtagal ah in dowladda kala shaqeyso Al-Shabaab.
Sidda uu maamulka Farmaajo u maareeyo saadaalinta jirta waxay kaliya kala cadaan doontaa maalmaha soo aadan.
Wada-hadaladii dowladda kula jirtay mucaaradka hakad ayaa ku yimid, markii Madaxasha xisbiyada ay ku eedeeyeen Farmaajo inaysan dhab ka ahayn, islamarkaana uu fulin waayay qodobadii horey ugu heshiiyeen.
GAROWE ONLINE