Sidee sirdoonka Soomaaliya u galay harka Al-Shabaab iyo Qadar?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa gashay harka Al-Shabaab iyo dowladda Qadar tan iyo markii uu hogaankeeda qabtey Fahad Yaasiin Daahir, sidda ay warisay majalada afka dheer ee Al Ceyn.

Xilli waajibaadkeedu ahaa uruurinta xogaha argagixisada ee horseedaya ka hortagida weerarada, sidda laga soo xigtay jaraa'idka, NISA ayaa noqotay "afhayeenka" ururka, iyaddoo baahineysa xogaha dhexdooda.

Kahor inta uusan hay'addaan madax u noqon, Fahad ayaa ahaa Agaasimaha Madaxtooyadda iyo wariye ka tirsanaa Telefishinka Al Jazeera.

Jariirada ayaa tabisay in Dooxa oo ilaashaneysa danaheeda gaarka ah ay dhamaadkii 2018-kii qaboojisay xiisad ka dhex-qaraxdey agaasimihii waqtigaas ee NISA, Xuseen Cusmaan, iyo ku xigeenkiisa Cabadalla Cabadalla.

Markii khilaafkooda sal-dhigan waayey, madaxweyne Farmaajo ayaa soo farageliyey "isagoo rabitaanka Qadar ku eryay Cabadalla Cabadalla, wuxuuna ku xigeenka hay'adda NISA ka dhigay Fahad Yaasiin Xaajir Daahir".

Iyaddoo ay jiraan warar sheegaya in Fahad uu khilaafkaas dab ku shidayay si uu wadada ugu sii xaarto in laga dhigo madaxa NISA, warbixinta ayaa qirtey in markii la magacaabay uu kala diray Guutada La-dirirka Argagixisada.

Wargeyska ayaa kashifay in talaabadaas aysan raaligelin Fahad isla markaana uu shaqooyinkii ka racdeeyay Saraakiisha Dharcada ee hay'adda "kuna bedelay dagaalameyaal ka tirsan maleyshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida".

Sidda ku xusan qormadda, waxyaabaha qiilka looga dhigtay eryiyada saraakiisha dharcada waxaa kamid ah "in ay la shaqeynayeen reer Galbeedka iyo in aysan dibada u soo saarin xiriirkiisa Al-Shabaab iyo xulafadiisa Carbeed".

Faalada Al Ceyn ayaa lagu caddeeyay in baahinta wararka gudaha Al-Shabaab ay wiiqdey ololihii la dagaalanka ururka ee Mareykanka iyo ciidamadda.

Bishii May, sanadkan 2020, haweenay Talyaani ah, Salvia Romano, taasoo ay Al-Shabaab kasoo qafaasheen Kenya ayaa lasoo badbaadiyey, iyadoo aan tafaasiil badan laga bixin qaabka howlgalka, cida fulisay iyo goobta uu ka dhacay.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa shaacisay in Romano lagu soo daayey madax-furasho dhan in ka badan 3 milyan oo Doolar, taasoo ay dulaal ka ahayd Qadar, iskana kaashadeen sirdoonka Soomaaliya, Turkiga iyo Italy.

Qadar waa mid kamid ah dowladaha caalamka ee ku caan-baxay in ay xiriir dhow la yeeshaan kooxaha hubeysan ee ka dhisan dalalka colaadaha kasoo kabanaya, waxaana ay arrintaas u sameysaa si ugu kiciso marka danaheeda ay waydo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM