Sidee weerarka saldhiga Gordon usoo bandhigay ciladaha amni iyo dib u dhiska Ciidanka?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerarka ka dhacay gudaha saldhigga Jeneraal Gordon wuxuu dhaliyay su'aallo badan iyo dareen cabsi leh, iyadoo uu jebinayo kalsoonida tababariyaasha ajnabiga ee ka socda dalalka ka taageera Soomaaliya dib u dhiska Ciidanka iyo tababarkooda.

Dhacdadan lagu dilay saddexda askari ee u dhashay Imaaraadka iyo mid kasoo jeeda Bahraine ayaa daaha ka qaaday inuu wali jiro isku-milan iyo xiriir Al-Shabaab ku leedahay gudaha dowladda Soomaaliya, oo mishinada iyo meelaha ay galayaan u fududeeya.

Dowladda waxaa looga bartay inay iska indha tirto waxyeelada weerarada noocan ah, kuwaasoo khatartooda wata, islamarkaana sababi kara in aysan dowladaha saaxiibada caalamka aysan ku kalsoonaan askarta ay tababaraan.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in habka qorista askarta uu hareeyay habacsanaan, musuq-maasuq iyo hab ku dhisan qabiil. Inta badan waxaa askarta tababarka loo qaado damiin ka noqda Xildhibaanada.

Ma jirto baaritaan buuxa oo lagu sameeyo askariga marka la qorayo, si loo helo xaqiiqooyin saxan oo ku saabsan noloshiisa iyo fekerkiisa.

Weerarka xerada Jeneraal Gordan Khalkhal amni oo aan horay loo arag buu abuuray, waxaa ka sii walaac badan in ay jiraan askar badan oo horey AS u ahaa oo ka buuxa Ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaasoo halis ku ah Saraakiisha ajnabiga ee tababarada bixiya.

Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Imaaraadka ayaa tababar gudaha dalka ku siiya askarta dowladda Soomaaliya. Wasaaradda difaaca ayaa ka mas'uul ah diiwaangelinta dadka doonayo inay ku biiraan Ciidanka qaranka. 

Bishii July 2023, nin xiran dharka militeriga ayaa isku qarxiyay kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho, halkaasoo uu ku dilay 25 askari, 70 kalena ku dhaawacay. Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaas. Dowladda ma aysan bixin macluumaad la xiriira sida uu ninka ku galay saldhiga oo amaankisia aad loo ilaaliyo.

Qubarada amniga ayaa qalad wayn ku tilmaamay in askarta loo ogolaado in qoryahooda oo rasaas ku jirta safafka galaan marka mas'uuliyiin sare saldhigyada booqanayaan. Xitaa Madaxweynaha ayaa taasi khatar gelinaysaa noloshiisa, maadama si joogto ah u tago xeryaha militeri.

Iyadoo la ogyahay xaalada dalka ku jiro, dowladda waxay ka gaabisay in hubin sax ah mariso askarta, oo xitaa ay eegto qofka damiinka ka noqonaya askariga loo qorayo Ciidanka, ha ahaado Xildhibaan ama Oday dhaqaameed, waa muhiim inaan lagu kalsoonaan.

AS ayaa adeegsata xeelado badan oo weerarada ku fulisa, iyadoo ka hesha caawinaad dad ugu jira dowladda, oo fududeeya qirshooladda kooxda.

Ku milanka AS ee hay'adaha amniga dowladda ayaa qeyb wayn ka ah amni darada dalka, mana laga adkaan karo kooxda inta laga baabi'inayo kuwa garabka siiya ee dowlada katirsan.

Ku jirista AS ee gudaha hay’adaha dawladda ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha adag ee ay Soomaaliya wajaheyso sidii ay qaranka uga badbaadin lahayd khataraha gudaha iyo muhiimadda ay leedahay qoritaanka adag iyo hababka hubinta askarta si loo ilaaliyo mustaqbalka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey xoojinta iskaashiga garsoorka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha, Wang Yu.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 04:18AM