Siduu u dhacay kulankii ay yeesheen Farmaajo iyo Axmed Madoobe?

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Macluumaad dheeriya ayaa kasoo baxaya kulankii ay maanta Madaxtooyadda Galmudug ee Dhuusamareeb ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhowr illo wareed ayaa u sheegay Garowe Online in is-aragga uu ahaa mid looga hortagayey weji-gabax ku yimaada kulanka guud ee lagu waddo in uu dhowaan u furmo madaxda dowladda iyo maamulada.

Sidda wararka lagu kalsoon yahay tilmaamayaan, ma jirin ajande rasmi ah oo dhinacyada ay isla gorfeeyeen mudadii uu socday kulanka.

Xogta uu GO helayo ayaa xuseysa in hadalada Farmaajo ay u muuqdeen raaligelin ku saabsan arrimihii dowladiisa kula kacday Jubbaland.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], iyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka akdhowaa goobta wadahadaladda.

Kulanka Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo socday laba saac iyo bar ayaa kusoo hagaagaya xilli dhowaan dowlad goboleedyadda oo ku kulmay Dhuusamareeb isku raaceen in aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Farmaajo, sidda uu fahansan yahay Garowe Online, ayaa wata qorshe ka duwan arrintaas, kaasoo uu ku doonayo muddo kororsi. Muddo xileedkiisa wuxuu dhamaanayaa bisha Febraayo, 2021-ka.

Dhanka kale, warbixino kale oo GO helayo ayaa tibaaxaya in caawa la qorsheynayo in ay kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kahor inta uusan furmin kulanka guud.

Deni ayaa maanta dib ugu laabtay Dhuusamareeb markii uu Garowe kaga qeybgalay Aas Qaran oo loo sameeyay laba kamid ah madaxdii soo martay Puntland iyo dalka si lamid ah Shirweynaha Urur siyaasadeedkiisa KAAH.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM