Siduu u dhacay weerarka lagu qaadey hotel Elite ee Muqdisho?
MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay, 13 kale oo isugu jira shacab iyo shaqaale waa ay ku dhaawacmeen weerarkii gaariga qaraxa ku bilowday ee lagu ekeeyay Elite Hotel ee magaalada Muqdisho.
Kadib qaraxa oo cuslaa waxaa xigay dabley hubeysan oo gudaha huteelka gashay kuwaas oo bilaabay toogasho aan kala sooc-lahayn. Badi dadka dhintay waxaa la aaminsan yahay in ay dishay rasaasta habowga ah.
Dadyow kale oo tobanaan ah ayaa laga soo badbaadiyey dhacdadaan ay sheegatay Al-Shabaab. Dadka lasoo badbaadiyey waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Nuur, mulkiilaha, Xildhibaan iyo wasiir maaliyad hore.
Abukaate Cumar Dhagey oo kamid ah wasiirada Galmudug iyo Xasan Xundubey, guddoomiyihii guddiga doorashooyinka dadban dowladii Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale ku jira dadka lasoo badbaadiyey.
Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u dusiyey Garowe Online in dableyda tiradooda ahayd shan oo midkood uu isku qarxiyey banaanka, afarta kalena ay gudaha ugu daateen dhismaha huteelka.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegtay in ay soo afjartay haysashada hotelka oo qaadatay afar saac ayaa xustay in la toogtay dhamaan dableyda.
Saraakiil u waramay GO ayaa xusay in sababta keentay in waqti badan ay qaadatay soo afjirada ay tahay maadaama dhismaha uu ahaa mid aad shub u ah.
Xogta uu GO helayo ayaa intaas ku dareysa in ciidamo boolis oo meesha kolkii hore ay ku filnaa waayeen loona daabulay ciidamo kale oo si gaar ah u tababaran.
"Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Harmacad ayaa Gudaha Hotel Elite ka soo badbaadiyay 205 Qof oo ay kamid ahaayeen Milkiilaha Hotel-ka Xildhibaan Abdullahi Mohamed Nur, Masuuliyiin Dowladda katirsan, Ganacsato iyo dadweyn nasasho u yimid Elite Hotel," ayuu yiri Ismaaciil Oronjo, afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Booliska Soomaaliya ayaa xusay in shan kamid ah dadka ku naf-waayey falkaas ay ahaayeen dableyda duulaanka soo qaadey.
Warbixino laga helayo goobjoogeyaal ay mas'uuliyiin kamid yihiin ayaa tibaaxeysa in dableyda ay huteelka ka beegsatay albaabka ku yaala laamiga maadaama albaabka uu ka leeyahay dhanka xeebta.
Wadooyinka dhanka laamiga kasoo gala Elite Hotel oo la furay 26-kii December, 2019-kii ayaa ah saddex jid, kuwaas oo laba kamid ah ay isla joogaan ciidamo boolis ah iyo nabad-sugida, halka tan kale ay joogaan boolis kaliya.
Mid kamid ah waddooyinkaas waxaa soo marta xarunta Hay'adda Nabad-sugida Soomaaliya ee NISA loona yaqaano Habar-khadiijo, waxaana ku go'an bir; waxaa sidaas oo kale lamid ah saddexda jid kale ee soo gala wadaas.
GAROWE ONLINE