Siilaanyo oo xilka ka qaadey guddoomiyihii maxkamadda sare

Image

April 19, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilka ka qaadey guddoomiyihii maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali. War-saxaafadeed xalay kasoo baxay madaxtooyada Hargeysa ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xilka ka xayuubiyey mas'uulkan.

War-saxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland go'aankan qaatey kadib markii uu dhegeystey talo soo jeedinta guddiga cadaaladda, arkay cabashooyinka ka imaanaya dhanka bulshada ee ku saabsan shaqada guddoomiyaha maxkamadda sare islamarkaana garowsadey inay muhiim tahay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka maxkamadda sare. 

Guddoomiyaha cusub ee xilkan qaban doona dib ayaa laga soo magacaabi doonaa, sida ku xusan qoraalka xalay kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa kusoo aadeysa maalin kaddib markii la xirey madaxii hay'adda xuquuqul insaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac. Amarka lagu xirey Guuleed Axmed waxaa bixiyey guddoomiyaha xalay la casiley.

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ah hay'adda cadaaladeed ee ugu sarreysa iyo maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland. Dadka aqoonta durugsan uleh arrimaha sharciga ayaa sheegay in tallaabada Siilaanyo qaadey tahay mid aan dastuurka waafaqsaneyn, maadaama ay waajib tahay in magacaabista iyo xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare ay ansixiyaan labada gole ee  guurtida iyo wakiillada.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo shaqada ka eryo guddoomiyaha maxkamadda sare, bishii June 2011 ayey ahayd markii ugu horreysey ee sidan oo kale Siilaanyo shaqada uga fariisiyey guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare 
Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM