Sirdoonka Soomaaliya oo "lumiyey" kalsoonida saaxibada caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah sirdoonada dalalka caalamka ayaa hoos u dhigay in macluumaadyadda xasaasiga ah la waddaagaan mukhaabaraadka Soomaaliya, sidda lagu daabacay Military Times.

Sidda lagu sheegay warbixinta, sababta waxay tahay Al-Shabaabka ku dhex-milmay hay'addaha ammaanka Dowladda federaalka ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saaxiibada caalamka ay cadaadis ku saarayaan madaxda Soomaaliya in ay xaliyaan arrintaas.

Khubarada nabad-gelyadda ayaa rumeysan in dhex-galka Al-Shabaab ee laamaha ammaanka ay carqalad ku tahay in la ciribtiro kooxda.

Cabdalla Axmed Ibraahim, oo ah falaqeeye arrimaha ammaanka gobolka ah, ayaa qiray in dhexgalka argagixisada ee hay'adda NISA ay wiiqeyso dedaalda caalamiga ah ee lagu tirtirayo maleeyshiyaadka.

Hay'adda NISA ayaa la sheegay in ay soo dhaweysay dagaalameyaal badan oo Al-Shabaab, taasoo "bar-madow ku noqoneysa shabakada".

Dhexgalka Al-Shabaab ee laamaha amniga ayaa la tilmaamay in ay u sahashay in ay helaan xogo muhiim ah oo ay ku duulaan tagi karaan.

Intaas waxaa wehlisa, waxaa la tibaaxay in ay sidoo kale u adeegsato ganacsatada si ay kaga qaado lacago baad ah.

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqdey in ay baareyso ilaha ay dakhliga ka hesho iyo habka canshuuraha kooxda argagixisada ah.

Tirada dhabta ah ee xubnaha xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa lagu sheegay in ay gaareyso lix kun, waxaana badankooda ay ku sugan yihiin degaanada miyiga ah ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM