Sirdoonka Soomaaliya oo "saamiley ka ah" canshuurta ay qaado Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska nabad-sugidda Soomaaliya iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa "wada qeybsada" canshuurta laga qaado magaalooyin ay kamid tahay caasimada Muqdisho, sidda uu shaaca ka qaadey siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo aaminsan in ay "iskaashi toos ah" ka dhaxeyso dhinacyadda ayaa balanqaadey in u soo bandhigo "xogtooda oo dhameystiran".

Isagoo wariyeyaasha kula hadlay xafiiska xisbigiisa ee magaala madaxda dalka, wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in uu macluumaadkaas "ka helayo" xubno NISA ka tirsan.

"Taliska nabad-sugida wuxuu noqdey talis fasahaadsan oo Shabaab iyo iyaga aan la kala garaneyn," ayuu Warsame ka dhawaajiyey.

NISA waxaa waqti xaadirkan madax ka ah Fahad Yaasiin Daahir, oo sidoo kale ah gacanta midig ee madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Farmaajo, horeyna uga soo shaqeeyay telefishinka Qadar ee Al Jazeera.

"Arrintaasi iyo arrimo kale oo ku xiriira la shaqeynta Al-Shabaab xogtooda mar gooniyaa soo bandhigeynaa waa xog isa soo tareysa; waa xog ka imaaneysa dad ku dhex-jira hay'addaha amniga walaacaas aad ayuu u soo socday sanadihii iyo bilihii ugu dambeeyay in ay wada shaqeyn labada dhinac ah [Al-Shabaab iyo NISA] ay jirto, canshuurta lawada qaato, howlaha lawada qabsado, la iska kaashado howlaha amniga ah si loo dhici-seeyo ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee la is-leeyahay amarkiina iyo taladiina ma yeeli doonan, sidaad og-tihiin ciidankii waxaa laga dhigay mid la ruqseeyo, mid mushaharkii laga jarto iyo mid waxaa laga dhigay la qarxiyo," ayuu Warsame yiri.

Sidda laga soo xigtay Warsame, ciidamadii lagu weeraray xerada guutada 14-ka April ee duleedka Muqdisho ayaa ahaa askartii gadoodka ka hor-sameysay Madaxtooyadda bilooyin kahor mushahar la'aan awadeed.

"Caddeymayaas daraadeed waxaan rabnaa in taliska nabad-sugida talaabo deg-deg ah looga qaado," ayuu kusoo afjaray hadalkiisa.

Marka laga soo tago eedeymahaan aadka u culus, taliska NISA ayaanan marna ka jawaabin dhaliilahaan oo sanadihii lasoo dhaafay xoogeystay.

Al-Shabaab oo u muuqata in ay dowlad kale ka dhex-sameystay Muqdisho ayaa canshuurta ganacsi walba oo caasimadda ku yaala oo ay kamid tahay dekadda, waxaana ay ka heshaa dakhli ay ku maalgeliso howlgaladeeda.

Warbixino amni ayaa xaqiijiyey in mukhaabaraadka Al-Shabaab ay mehradahooda ugu tagaan ganacsatada si ay uga soo qaadaan wax ay u bixiyeen "Zakawaad"; qaar kalena ay telefoono u diraan.

Qaaar kamid ah ganacsatadda Muqdisho ayaa sheegay in ay ku qasbanaadeen bixinta lacagtaas "si ay u badbaadsadaan nafsadooda maadaama dil loogu hanjabay, aysana jirin dowlad amnigooda sugeysa".

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha HirShabelle, ayaa bishii hore ka dhawaajiyey in lacagta baada ah oo ay Al-Shabaab qaadato ay malaayiin gaareyso. Hadal-jeedintiisa Shirkii Dhuusamareeb ayuu daaha ka rogay arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM