Siyaasada Mareykanka Soomaaliya: Caqabadaha iyo xalka mustaqbalka

Image

WASHINGTON, US – Maqaal lagu daabacay mareegga chathamhouse.org uuna qoray Paul D. Williams ayaa ciwaan looga dhigay "fahamka siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya: Caqabadaha jira iyo xilka mustaqbalka".

Faalada ayaa lagu sheegay in danaha amniga qaranka Mareykanka ee xasilinta Soomaaliya uu kooban yahay isla markaana tan iyo 2006-kii uu yahay yareynta halista Al-Shabaab si aysan u wiiqin dowlada federaalka.

"Maamuladihii isku xig-xigay ee Mareykanka waxay adeegsadeen macno milatari iyo mid siyaasadeed si ay u gaaraan hadafkan," ayuu yiri.

Dhanka milatariga, waa tababar siinta, qalabeynta iyo maalgelinta ciidamada howlgalka Midowga Afrika, dalalka deriska iyo ciidamada Soomaaliya si ay u qaadaan howlgalo xoojinaya duqeymaha dhanka cirka.

Darafka siyaasadda, waa ka taageerida dowladda federaalka Soomaaliya in ay sugto ammaankeeda si ay u fuliso howlgaladeeda dhanka diblumaasiyadda, gargaarka iyo mashaariicda dhanka horumarinta.

Sidda lagu sheegay maqaalka, inkasta oo Mareykanka uu isku haleynayo awoodiisa dhanka milatariga, haddana dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu noqdey mid aan dhamaad lahayn oo cadaadis kaliya ah.

"Tan iyo markii la xoojiyey sanadkii 2016-kii, labada dhinac midkoodna ma gaarin guulo milatari oo wax ku ool ah," ayuu khabiirka qoray.

Wallow sanadihii dambe uu Mareykanka sarre qaadey duqeymihiisa dhanka cirka, haddana waxaa muuqata isku xirnaan la'aan ka jirta gudaha.

"Marka hore waxaa muhiim ah in la helo heshiis wadar ogol a oo dhexmara dowladda federaalka ah iyo maamulada, arrinkaas waxay dhabaha u xaareysaa siyaasad shaqeyneysa oo dhanka amniga ah," ayuu xusay.

Dowladda federaalka ayaa wajaheysa eedeymo ku saabsan in aysan ka talogelin maamulada siyaasadda amniga si gaar ah dhismaha ciidanka, waxaana arrintaan ay caqabad ku noqotay baacsiga argagixisada.

Maqaalka oo adkeeyay in la helo is-afgaradka ayaa lagu qeexay hadii la helo heshiis noocaan ah uu Mareykanka xoojinayo taageeradiisa Soomaaliya ee dhanka amniga, dhismaha ciidamada, deyn-cafinta iyo siyaasadda.

"Waxaa loo baahan yahay in Dowladda Federalka ay ay aqbasho in aysan ka sareyn maamulada," ayuu hoosta ka xariiqay, isagoo farta ku fiiqay in amniga looga mashquulay siyaasada si gaara doorashadda.

Al-Shabaab ayaa loo arkaa halista ugu weyn ee amniga Soomaaliya, wallow mas'uuliyiinta ay sheegaan in ay hoos u dhacday awooda ururka sanadihii lasoo dhaafay, haddana wali waxay fulisaa weeraro khasaaro sababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM