Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo Hargeysa tagay

Image

2 September, 2015(GO)-Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ahaa siyaasiyiinta u ololeyn jirtey midnimada ummadda Somaliyeed ayaa maanta lagu soo dhaweyay Hargeysa.

Buubaa ayaa sheegay inuu ka laabtey mabda'a uu horey u aaminsana ee ahaa midnimada Somalia, balse haatan uu  aaminay qadiyada Somaliland.

Waxaana  isagoo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradah Hargaysa uu sheegay inuu wixii hadda ka dambeya la shaqayn doono maamulka Somaliland oo la wadaagi doono wixii karti iyo aqoon ah ee uu leeyahay.

Siyaasigan aya xilal kala duwan horey uga soo qabtey Somalia, waxaan waayadii dambe uu ka noolaa magalada Dooxa ee dalka Qadar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM