Siyaasiyiin dalbadey in Muqdisho laga dhigo maamul goboleed

Image

April 29, 2015 (GO)- Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka tirsan beesha Abgaal ayaa shalay xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatey wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay.

Xubnaha la kulmey Nic Kay  waxaa hormuud u ahaa Cali Maxamed Geedi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo labadooduba ra'isal wasaareyaal kasoo noqdey dowladdii kumeel gaarka ahayd ee AHN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed hoggaaminayey.

Siyaasiyiintan ayaa u gudbiyey Qaramada Midoobey codsi ah in magaalada Muqdisho laga dhigo maamul goboleed iyo in la dedejiyo dhismaha maamulka la damacsan yahay in loo sameeyo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Xubnahani waxay ku doodeen in Muqdisho tahay magaalo madaxda dalka sidaas darteedna ay waajib tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

Nicholas Kay ayaa sheegay in isagu shaqsi ahaan soo dhoweynayo maamulka la damacsan yahay in loo sameeyo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, balse sida laga yeelayo magaalada Muqdisho ay tahay in Soomaalidu ka tashato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM