Siyaasiyiin xiriir la leh Qatar oo soo dhoweeyey go’aanka DF Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta

Image

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo lagu yaqaan iney xiriir dhow la leeyihiin dowladda Qatar ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aankii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay in hoos loogu dhigey ama xiriirrkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo tan iyo markii uu xilka ka degay ku noolaa dalalka Turkiga iyo Qatar, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku taageeray go’aanka Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aammada ku saabsan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed ee maanta ay soo saartay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay waajib ku tahay in dalalka aan la wadaagno iskaashiyada iyo xiriirrada saaxiibtinimo ay dhowraan qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa.

Madaxweynihii hore ayaan si toos ah u magacaabin dalka Imaraadka Carabta, balse wuxuu si guud u muujiyey taageeradiisa go’aanka Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka.

Xilligii uu xilka hayey Madaxweyne Farmaajo, xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ma ahayn mid wanaagsan, iyadoo la ogaa inuu Farmaajo la lahaa xiriir siyaasadeed oo dhow dalka Qatar, isaga iyo saaxiibkiisii siyaasadeed ee hore Fahad Yaasiin.

Sida ay hore ilo xog-ogaal ah u sheegeen, Qatar ayaa lagu tilmaamay dal kaalin ka qaatay taageeradii siyaasadeed iyo dhaqaale ee Farmaajo xilligii uu u tartamayey xilka Madaxweynaha Soomaaliya, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta ama tirada taageeradaasi.

Dhanka kale, Fahad Yaasiin, oo hadda ah madaxa xisbiga dhowaan la aasaasey ee lagu magacaabo Haybad Qaran, ayaa isaguna qoraal kooban oo uu ku daabacay bogiisa Facebook ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, tallaabada ay qaadday xukuumaddiisu.

“CAAWA WAA BIRMADE XASAN SHEEKH. MABRUUK,” ayuu Fahad Yaasiin ku qoray bartiisa Facebook.

Fahad Yaasiin, oo ahaa saaxiib aad ugu dhowaan oo la soo shaqeeyey Madaxweyne Farmaajo, ayaa isna kamid ah siyaasiyiinta degenaansho iyo maalgelin siyaasadeed ka heley dalka Qatar.

Mid kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed, oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa Garowe Online u sheegay in qoraalladan ay muujinayaan sida ay siyaasiyiinta Soomaalidu ugu kala safan yihiin quwadaha Khaliijka ee isku haya dalka Soomaaliya.

“Qoraalladani waxay muujinayaan sida siyaasiyiinta Soomaalida ula kala safan yihiin dalalka safka hore kaga jira loolanka Khaliijka, iyagoo aan tixgelin siin dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ka haysata kala daneysigaan,” ayuu yiri siyaasigaasi.

Xiisadda u dhexeysa dalalka Khaliijka ayaa sii xoogeysatay bishii u dambeeyey, gaar ahaan kaddib markii Dowladda Israa’iil ay ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland iyo xiisada dalka Yemen, arrintaas oo saameyn siyaasadeed ku yeelatay guud ahaan gobolka iyo xiriirrada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM

Go’aankii dowladda Federaalka ee heshiisyada Imaaraadka oo la kulmay diidmo adag

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin diidmada wadajirka ah ee ka timid Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 09:18AM