Siyaasiyin ka hor-yimid ciidamadda lagu daabulay Beledwayne

Image
Image
Darafyadan ayaa sheegay in ay askartaas la doonayo in lagu cabsi geliyo dadweynaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Jeneraal Mukhtaar, iyo siyaasiyiin Xildhibaano ah oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa qaadacay ciidankii maanta lagu daabulay Beledweyne.

Dhinacyadan oo shir jaraa'id qabtey ayaa ku baaqay in lasoo celiyo "maadaama loo geeyay in dadka lagu cabsi geliyo looguna talagelin in amni lagu sugo ama Al-Shabaab lagula dagaalamo".

Labada diyaaradood ayaa Ciidamada Haramcad iyo gorgor ee ay tababartay dowladda Turkiga ka qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaana la sheegaya in ay yihiin qeybtii ugu horeysay ciidamo gaaraya 400 oo askari oo loo qorsheeyay in Baledweyne ka howlgalaan inta codaynto socoto.

Illo lagu kalsoonyahay Garowe Online u sheegay in ciidamadaan dajiyay Saldhiga ku yaalla magaaladda Baledweyne oo ay ka socdaan banaanbaxyo rabshado wata.

Ma cada ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa daabulista ciidanka Haramcad iyo Gorgor ee magaalada Baledweyne, waxaase ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan in ciidamadan qorshahoodu yahay in ay difaacaan keenista Baledweyne ee madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo mudo sanad ah loo diidan yahay inuu tago Baledweyne.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay qeyb ka qaadanayaan sugida amaanka doorashada Golaha Shacabka ee Baledweyne lagu qabanayo. Kuraasta taalla Xarunta Hiiraan waxaa ka mid ah Hop#086 ee uu tartamayo Fahad Yaasiin agaasimihii hore ee NISA.

Shacabka Baledweyne ayaa walaac xoogan ka muujinaya imaashaha ciidamadan tirada badan ee la sheegayo in ay doonayaan in ay xoog ku keenaan Baledweyne Cali Guudlaawe.

Talaabada ciidamadda lagu geeyay Beledwayne ayaa timid iyadoo magaalada gudaheeda dhinac uga sugan yihiin ciidamo aad u hubeysan oo kasoo horjeeda in Cali Guudlaawe yimaado magaalada Baledweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM