Socodka Gawaarida xamuulka Muqdisho oo la xadiday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saarey maanta oo Isniin ah war qoraal ah oo loog amamnuucay Gawaarida xamuulka qaada isticmaalka wadooyinka Muqdisho xilliyada qaar.

Wareegtada Xafiiska Gudoomiyaha gobolka Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa lagu shaaciyay in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo 8-da Fiidnimo.

Sidoo kale waxaa amarro la duldhigay Gaadiid xamuulka qaada, oo laga mamnuucay in aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga loogu tala galay, si looga hortago inay ku rogmadaan shacabka.

Gaarigii u hogaansami waayo amarkan waxa uu mutaysan doonaa ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000 Sh. So), sida ku xusan Warqadda kasoo baxday Xafiiska Thaabit.

Talaabadan ayaa waxaa looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir, oo Gawaarida xamuulka kala kulmo caqabado markay wadooyinka ku rogmadaan.

Dhanka kale, waxaa xusida mudan in shacabka reer Muqdisho ay cabsi xooggan ka qabaan baabuurta waaweyn ee xamuulka qaada, kadib markii 14-ka bishan qarax loo adeegsaday gaari TM ah 377 qof ku dilay Isgoyska Zoobe.

Maalintii sabtida ee lasoo dhaafay waxa uu qarax ka dhacay afaafka Hotel Naasa-Hablood 2, kaasi oo ka dhashay Gaari UD ah, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, laguna weeraray dhisamaha Hotel-kaasi. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM