SOM OIL oo dalbatay in ay la kulanto Qramada Midoobey

Image

LONDON-Shirkadda Soma Oil and Gas, ayaa dooneysa inay la kulanto QM, si ay ugala hadasho eedeymaha loo soo jeediyey ee ku saabsan heshiisyadeeda Somalia.

Shirkadda Soma Oil and Gas ee fadhiggeedu yahay dalka UK, ayaa dooneysa inay la kulanto QM, si ay ugala hadasho eedeymaha loo soo jeediyey ee ku saabsan heshiisyadeeda Somalia.

Shirkaddan oo uu hogaamiyo madaxhii hore ee xisbiga muxaafidka Britain Michael Howard, ayaa codsatay inay la kulanto guddoomiyaha guddiga golaha ammaanka ee QM Rafael Dario Ramariez Carreno.

Waxaa shirkadda ay codsigan ku gudbisay warqad ay kusoo daabacday boggeeda internet-ka, oo ay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay wax ay ugu yeertay “fahamka qaldan ee QM ee ku aadan ganacsiga shidaalka iyo saaliidda”.

Soma Oil and Gas, waxay sidoo kale dooneysaa inay caddeyso wax ay ku sheegtay saameynta wanaagsan ee uu lee yahay heshiiska ay la galeen wasaaradda macdanta iyo kheyraadka ee Soomaaliya.​

Halkan ka dhageyso xildhibaan Shuuuriye oo la hadley VOA

VOA

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM