​SOMALIA: Ahlu Sunna oo xirtay Radio Galgaduud

Image

GURICEEL, Somalia- Ciidamo taabsan Ahlu Sunna ayaa xirtay Xalay Idaacad lagu magacaabo Radio Galgaduud oo ka howlgala magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Mid kamid ah Shaqaalaha Radiyowgaas, ayaa GO u xaqiijiyay xiritaanka Idaacadda, oo uu sheegay in Xalay saacadu markii ay ahayd 10:25PM ay soo weerareen Malleeshiyada Ahlu Sunna Waljameeca katirsan.

Wuxuu sheegay in Idaacada Xarunteeda Guriceel la xiray, sidoo kalena laga qaatey FM-ta ay ku shaqeyso iyo qalab kale, isagoo intaasi ku daray inansan garan karin sababta ka dambaysa xiritaanka xaruntooda.

Maamulka Ahlu Sunna wali wax Fahfaahin ah kama uusan bixin sababta ay u xireen Radio Galgaduud, oo ah Idaacad xarumo ku leh Guriceel iyo Dhuusamareeb, lagana dhagaysto qeybo kamid ah Gobolkaasi.

Ahlu Sunna ayaa lagu eedeeyay inay caburiyaan Warbaahinta Madaxabanaan ee ka shaqaysa degmooyinka ay gacanta ku hayaan Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM