​Somalia: Al Shabaab oo Dagaal kula wareegay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Dagaalyahanno katirsan Kooxda Al Shabaab ayaa saaka Dagaal khasaaro geestay kula wareegay deegaanka Goofgaduud, oo 35KM dhanka Waqooyi ka xiga magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen Goofgaduud, kadib weerar culus oo xalay Saqdii dhexe ku qaadeen saldhigyada ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay ku lahaayeen gudaha Deegaankaasi.

Inta la ogyahay ilaa 4 Askari oo katirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed iyo Tiro Al shabaab ah, ayaa lagu dilay dagaalka Goofgaduud, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Mallayshiyadan kooxdan, ayaa dib u qabsaday deegaankan markii labaad mudo bil ah.

Xaaladda Deegaanka ayaa degan, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada Koonfur Galbeed ay isku abaabulayaan inta u dhaxayso Goofgaduud iyo Baydhabo, iyagoo qorshaynaya dagaal ka dhan ah kooxdaas iyo dib usoo celinta deegaanka Goofgaduud.

Maamulka Koonfur Galbeed wali kama uusan hadlin la wareegista Goofgaduud.

Dagaalyahannada Shabaab, ayaa wali gacanta ku haya deegaano katirsan gobolka Baay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM