​Somalia: Al shabaab oo markale la wareegay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Al shabaab ayaa xalay markii labaad mudo Todobaad ah dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud, oo qiyaastii  30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Baydhobo, ee xarunta gobolka Baay.

Sarkaal katirsan maamulka Koonfur Galbeed, oo lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Maxa'ed ayaa GO u sheegay in sababta uga soo baxeen ciidanka Goofgaduud ay tahay Mushaar la’aan.

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka Somalia ee isaga soo baxay Goofgaduud ay fariisamo ka samaystey deegaan ku dhaw Baydhobo.

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa Labo jeer tobaadkan gudahiisa kasoo baxay Goofgaduud, iyo deegaano kale oo ka baxeen Ciidanka Ethiopia ee aan ka qeybta ka ahayn AMISOM.

Al shabaab ayaa markii ay qabsadeen Goofgaduud ku wargeliyay dadka deegaanka in ay dili doonaan cid kastoo la shaqeysa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM