​Somalia: Barlamanka oo xubno ku celiyay xukuumadda

Image

MUQDISHU- Barlamanka Federaalka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magalada Muqdishu, islamarkaana ay soo xaadireen 142 mudane ayaa looga hadlay dhawr qodob oo ka mid ahaayeen xeer hoosaadka Barlamanka iyo xubnaha golaha garsoorka ee xukuumaddu soo gudbisay. 

Waxaa kulanka oo shir gudoominayay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay ajandaha ka saareen islamarkaana dib ugu celiyeen xukuumadda golaha adeegga garsoorka, maadama sida ay sheegen uusan dhameystirneyn. .  

Xubna la keenay Barlamanka ayaa lagu tilaamamay inay yihiin shan xubnood sharciguna dhigayo sagaal qof, sidaasi darteeda aysan kadoodi karin iyagoo dib ugu laalay golaha xukuumadda Somalia. 

Dhanka kale waxaa fadhiga golaha Barlamanka Somalia ee Muqdishu, looga dooday , wax ka badal lagu sameynayo xeer hoosaadka golaha, waxaa dood kadib Xildhibaanadu ukala jabeen labo qaybood; kuwa taageeray xeerka hadda jira iyo kuwa soo jeediyeen in wax ka badalka lagu sameeyo Qodobka 28-aad farqadiisa 1aad xeer hoosaadka golaha shacabka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM