​Somalia: Barlamanka oo xubno ku celiyay xukuumadda

Image

MUQDISHU- Barlamanka Federaalka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magalada Muqdishu, islamarkaana ay soo xaadireen 142 mudane ayaa looga hadlay dhawr qodob oo ka mid ahaayeen xeer hoosaadka Barlamanka iyo xubnaha golaha garsoorka ee xukuumaddu soo gudbisay. 

Waxaa kulanka oo shir gudoominayay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay ajandaha ka saareen islamarkaana dib ugu celiyeen xukuumadda golaha adeegga garsoorka, maadama sida ay sheegen uusan dhameystirneyn. .  

Xubna la keenay Barlamanka ayaa lagu tilaamamay inay yihiin shan xubnood sharciguna dhigayo sagaal qof, sidaasi darteeda aysan kadoodi karin iyagoo dib ugu laalay golaha xukuumadda Somalia. 

Dhanka kale waxaa fadhiga golaha Barlamanka Somalia ee Muqdishu, looga dooday , wax ka badal lagu sameynayo xeer hoosaadka golaha, waxaa dood kadib Xildhibaanadu ukala jabeen labo qaybood; kuwa taageeray xeerka hadda jira iyo kuwa soo jeediyeen in wax ka badalka lagu sameeyo Qodobka 28-aad farqadiisa 1aad xeer hoosaadka golaha shacabka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM