​Somalia: Burcad laga soo furtay gabar u dhalatay Kenya

Image

CADAADO, Somalia- Galmudug ayaa sheegtay inay xoog kusoo badbaadisay Gabar u dhalatay dalka Kenya oo mudo ka badan 3 sano Burcad-badeed ku haysatay koonfurta gobolka Mudug.

Louis Njoki, oo ah gabadha lasoo badbaadiyay ayaa waxaa lagu hayaa magaalada Cadaado, halkaasi oo lagu baarayo xaaladeeda caafimaad, kahor inta aan dalkeeda loo duulin.

Andrew Mwangura, oo ah agaasiimaha hay'ada badmareenada geeska Africa ayaa sheegay in Louis Njoki lagu soo furtay howlgal aad loo qorsheeyay, oo ay fuliyeen ciidamada Galmudug.

Louis Njoki, ayaa lagu afduubey Somalia 2014, iyada iyo qof kale oo lagu magacaabo James Kuria xilli ay howlo samafal caafimaad ka samayanayeen Gobolka Mudug.

James Kuria, ayaa lasoo badbaadiyay Bishii February, 2015.

Wararka ayaa sheegaya in gacanta Burcada ku jirto Labo muwaadin oo u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo la afduubay 2014.

Wargeyska the Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in George Mburu and George Macharia lagu qafaashay Muqdishu, iyagoo la shaqeynaya Shirkad Dhismo.

Muwaadiniin Kenyan ah ayaa la sheegay in lagu haysto magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana ay burbad-badeeda dalbanayaan lacag madax-furasho ah.

On October 24, Burcad-badeeda ayaa soo daayay 26 badmaaxiyaal oo kasoo jeeda Qaarada Asia, kuwaasi oo mudo ku dhaw 5 sano ah ku afduubnaa gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM