​Somalia: Duqeyn ka dhacday degmada Waajid

Image

WAAJID, Somalia- Duqeyn Madaafiic loo adeegsaday, ayaa ka dhacday xalay degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ee ku howlgala magaca AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay xilligii hurdada maqleen dhawaqa dhowr qarax, kuwaasi oo ahaa Hoobiyaal laga soo tuurey deegaanno ku dhaw degmada oo ay maamusho Al shabaab.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Hoobiyaasha, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera Kooxdaasi.

Ciidamada Ethiopia ayaa dhankooda dhowr madfac uga jawaabey weerarka Duqeynta ah, waxayna saaka sidoo kale howlgal ka sameeyeen gudaha Waajid iyo deegaanada ku dhaw oo Hoobiyaasha looga soo weeraray.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay isku dhacaas.

Shacabka degmada Waajid oo mudo 2 sano ah go'doomin ku hayeen Al shabaab, ayaa cabsi xoogan ka muujiyay  duqeymaha joogtada ah ee lagu hayo ciidamada Ethiopia, ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Ciidamada Ethiopia ayaa Bishii October ka baxay dhowr degmo oo ku yaalla gobolka Bakool, waxaana ay dib ugu laabteen intooda badan gudaha dalkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM