Somalia: Madaxweynaha maamulka Galmudug oo la dooran doono

Image

CADAADO June 28,2015 (GO)- Gudoomiyaha Barlamanka cusub ee dhowaan looga dhawaaqey magaaada Cadaado oo la hadlay saxaafada ayaa sheegey in asbuuca soo socda la dooran doono madaxweynaha maamulka Galmudug.

 Cali Gacal Casir oo la hadlayey idaacadaha ayaa xusey in Barlamanka maamulka la magac baxey Galmudug guda gali doono qabashada araajida musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.

Xilka madaxweyne ee maamulka Galmudug ayaa waxaa la filayaa iney ku hardamaan musharaxiin farabadan oo kala haysata tageerada dowlada Federaalka, wadamada ciidamada ka joogaan Somalia iyo madax maamulo horey uga dhisnaan jirey gobolada dhexe ee Somalia.

Doorashadan oo la qaban doono 4 July,2015 ayaa wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka Somalia sheegey in mas'uuliyada dhmaeystirka maamul u sameynta goboladaas wixii hada ka dambeeya ku wareegi doonto Gudoomiyaha maamul goboleedka Galmudug iyo ku-xigeenadiisa.

Barlamanka cusub ee maamulka Galmudug ayaa dhinaca kale maalintii shaley u doortey Xareed Cali Xareed iyo Maxamed Sheekh Axmed Maalin  Gudoomiye ku-xigeenada Cali Gacal Casir.

Gudoomiyaha Barlamanka maamulka Galmudug ayaa sheegey in wadahadal la gali doonaan ururka Ahlu Sunah Wal-Jamaaca oo dhowaan qabsadey magaalada Dhuuso Mareeb.

Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa madaxweynaha dowlada Federaalka horey ugu dhawaaqey iney noqon doonto magaalo madaxda maamulka loo sameyn doono gobolada dhexe ee Somalia taasoo muran abuurtey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM