Somalia: Nabadoon lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Koox hubaysan oo aan haybtooda la aqoon, ayaa Caawa magaalada Muqdushu ku dishay Nabadoon Caan ahaa, oo lagu magacaabi jiray ALLAHA u naxariistee Maxamed Tabari Shiiqoow.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay Dilka Nabadoonka, oo ka dhacay Xaafada Suuq Bacaad, ee degmada Yaaqshiid, waxaana dilka geestay Labo Qof oo Bastoolado ku hubaysan.

Wali lama oga sababta iyo cida ka danbaysa Dilka Nabadoon Maxamed Tabari Shiiqoow, oo ahaa qof si wayn looga yaqaaney degmada Yaaqshiid.

Kooxda Dilka fulisay ayaa Goobta isaga baaxsatay, waxaan markii danbe gaarey ciidamo katirsan Hay'adaha amniga Somalia oo baaritaan aan cidna lagu soo qaban sameeyay.

Muqdushu ayaa Dilalka noocan ah kusoo badanayay mudooyinkii danbe, iyadoo dowladda Waqtigeeda uu dhamaaday hore u balanqaadey inay sugayso nabadgalyada caasimdda xiliga Doorashada dhacayso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM