​Somalia: Odayaal lagu dilay Muqdishu iyo Baardheere

Image

MUQDISHU, Somalia- Dilal kala duwan ayaa Labo Oday dhaqameed waxaa Caawa Fiidkii loogu geestay caasimada Soomaaliye ee Muqdishu iyo degmada Baardheere, ee gobolka Gedo.

Muqdishu waxaa lagu dilay Xasan Aadan, oo Kooxo Bastoolado ku hubaysan ku khaarajiyeen degmada Wadajir, halka Odayga Labaadna oo isna lagu magacaabi jiray Ibraahim Qorax lagu dilay Baardheere.

Allah ha u naxariistee Labada Oday waxay kamid ahaayeen Odayaasha Soomaaliyeed, ee sida aadka ah loo looga yaqaaney Muqdishu iyo Baardheere.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada Dilalkaasi iyo dad loo soo qabtay fal dambiyeedkaasi, balse waxay qeyb ka yihiin qu-gooyooyinka qorsheysan ee inta badan kooxda  Al Shabaab ka fulinayso gudaha Somalia.

Waxaa moodaa in dilku kusoo batay Koonfurta Somalia xilli loo diyaar garoobayo doorashada dhici doonta bilaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM