Somalia oo ku adkaysanaysa in khilaafka dhamayso Hague

Image

10 Octobar, 2015(GO)-War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliha guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir, ayaa looga hadlay dacwadda Badda ee u dhaxaysa Somalia iyo Kenya.

Xeer ilaaliyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Kenya ka werwersantahay in muranka biyaha lagu dhammeeyo qaab cadaalad ah, taasina cadaynayso inaysan sal iyo raad toonna lahayn arrimaha ay ku andacoonayaan.

Axmed ayaa rajo ka muujiyay dowladda Kenya inay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah, maadaama ka mid tahay dowladihii saxiixay, laguna yiqiin tixgelinta iyo dhaqan gelinta qawaaniinta caalamiga ah.

Xeer ilaaliyaha guud waxaa uu tilmaamay inay ku kalsoon yihiin in maxkamaddu gaari doonto go'aan ku saleysan caddaalad.

War saxaafadeedkan ayaa daba socda qoraal Dowladda Kenya si rasmi ah ugu diidey dacwadda la xiriirta badda Somalia  oo loog  gudbiyey maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa ku sheegey dacwadda Somalia in ay tahay mid aan sharci aheyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM