​Somalia: Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Image

KISMAAYO, Somalia- Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku dhaawacmay Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubbaland.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Qaraxa uu ka dhacay Maqaaxi ku taallo nawaaxiga Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo fariistaan ciidamada Maamulka Jubbaland.

“Qaraxa wuxuu ka dhashay Miino lagu aasay Maqaaxi ku hor taalla Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Kismaayo, waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo askar ay kamid yihiin,” ayuu yiri Goobjoogaha oo magaciisa u qariyay sababo amni.

Jaamac Xasan Axmed, oo ah Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland ayaa sheegay in qaraxa inuusan wax khasaaro ah gaarsiin ciidan Maamulka Jubbaland, ee ku sugnaa meheredda.

Afhayeenka ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay ka danbayso weerarka ka dhacay Kismaayo, isagoo xusay in Kooxdaasi ay u taagan tahay bur-burinta dalka iyo waxyeelaynta Shacabka.

Qaraxa kadib, ciidamada Jubbaland ayaa tagay halka dhibku ka dhacay, waxayna baaritaan ku sameeyeen goobo ganacsi oo aagaas ka furnaa, iyagoo baarayay qaraxyo kale, sida Afhayeenku sheegay.

Weerarka ayaa kusoo beegmayo, xilli Kismaayo ay ka socoto Doorshada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM