​Somalia: Qarax lagu dilay ciidamo katirsan Booliiska

Image

MUQDISHU , Somalia- Ugu yaraan 2 Askari oo katirsana Booliska Somalia, ayaa ku dhintay, 3 kalena way ku dhaawacmeen Qarax Saakay oo Axad ah ka dhacay magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa Bomb Gacmeed, kaasi oo lagu weeraray Barkoontarool oo ku yaalla meel ku dhaw Isgoyska Ceel-Gaabta, halkaasi oo lagu baaro Baabuurta.

Ciidamada amniga dowladda Somalia ayaa gaarey goobta waxyar kadib Qaraxa, waxaana ay xireen dhowr qof oo ay ku tuhmayaan inay ku lugleeyihiin qaraxaas.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas iyagoo xusay inay ku bartilmaameedsadeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia.

Dowladda Federaalka ah ee Waqtigu ka dhammaaday, ayaa lagu dhaliilay waxqabad la'aan dhanka amniga Caasimada iyo guud ahaan dalka, xilli ay dhacayaan Doorashooyinka Baarlamaaniga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM