Somalia: Qof ku dhintay Roobab ka da'ay gobolka Baay

Image

08 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa sheegay inay ka da'een Roobab mahiigaan ah kuwaasi oo sababay dhimashada hal ruux oo biriq ama danab ku dhacay iyo dhaaca mid kale, kuwaasi oo ku sugnaa tuulada Buula Fuulay oo ka tirsan gobolka Baay.

Tiro xoolo isugu jiray Ari iyo Lo'o ayaa ku waxyeeloobay daadad uu sababay Roobkaasi, waxaana xiran wadooyin muhiim ah oo isku xira gobollada Bakool iyo Baay, sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanada waxyeelladu ka dhacday.

Arrintan, ayaa imaanaysa xilli lagu guda jiro waqti Roobaadka Dayrta, waxaana sannadkan dalka Somalia si wanaagsan uga hoortay nimcadda alle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM